Kulmiye party

Xisbal-xaakimka KULMIYE iyo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Hargeysa

Kulanka oo ahaa casuumad Afur ah uu sameeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana daba socday shirkii Madaxweynaha Qaranku la yeeshay xisbiyadan Arbacadii, waxa ka qaybgalay xubnaha hoggaanka labada xisbi oo ay kala horkacayeen – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Musharaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay kala weheliyeen madaxda sarsare ee xisbiyadu, waxaana lagaga hadlay arrimaha u diyaargarowga doorashooyinka soo socda iyo dhammeystirka wixii hawlo ah ee horyaala.

Gebogabadii waxa loo ballamay kulamo sadex geesood ah oo uu qayb ka yahay xisbiga kale ee UCID.
Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

 

Scroll to Top