Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, ayaa kulan is-xogwaraysi iyo dardargelinta u diyaargarowga doorashada ah magaalada Burco kula yeeshay dalladda dhallinyarada HAYAAN oo gobolkaa ka dhisan.
Kulanka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer – Mukhtar Axmed Cali iyo Cabdicasiis Saxardiid, waxa kaloo kala qaybgalay Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Nagiib Maxamed Cusmaan.





